![]() ![]() ![]() ![]() |
|||||||||||||||||||||||||||||
| ...< Radio Somaliland Online ( RSO ) kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dalka iyo dibada >.. | |||||||||||||||||||||||||||||
Xisbiga UDUB wuxu ku guul-dareystay inuu Qabto Shirwaynihii labaad ee Xisbiga Muddo Sadex sano ku Dhaw Hargeysa – Xoghayaha Guud ee Xisbiga Talada haya ee UDUB, Maxamed Ismaaciil Bullaale ayaa sheegay in xisbigiisa aanay khasab ku ahayn inuu qabsado Shirweynihiisa 2aad oo qabsoomi lahaa badhtamihii 2006, balse dib u dhacay, ilaa iyo haddana aan la qaban. Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB oo ka hadlayey Sabtidii shir jaraa’id oo uu ku difaacayo Go’aanka Guurtidu muddada xilka ugu kordhisey Madaxweyne Riyaale , isla markaana uu si weyn u weeraray xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa weriyayaashu weydiiyeen goorta xisbiga UDUB uu qabsanayo Shirweynihiisa 2aad, waxana uu sheegay in Shirweynahoodu aanu ku xidhnayn wakhti, balse, uu ku xidhan yahay baahi, sidaa darteed, wakhtiga ay doonaan ay qabsan doonaan. “Su’aashaa shan goor oo hore ayaa la I weydiiyey oo aan ka jawaabey,” ayuu yidhi Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB, Maxamed Ismaaciil Bullaale. Waxana uu raaciyey, “Shirweynaha, UDUB xeerkiisu wuxuu dhigayaa in wakhtigiisa lagu qabto, in laga soo hormariyo, in laga dib mariyo. Awooddii Shirweynuhu Gole Dhexe ayuu ku wareejiyey, Golaha Dhexena awooddii Guddi Fulineed ayuu ku wareejiyey, Guddida Fulintuna Awooddiisii wuxuu ku wareejiyey madaxda waaxahaa madaxoodu halkaa fadhiyaan ayuu ku wareejiyey”. Sidaa darteed, waxa uu sheegay in aanay khasab ahayn in xisbigoodu shirweyne qabto, balse, wakhtiga ay u baahdaanna ay qabsan doonaan. “Shirweynaha UDUB wakhti uma baahnee, baahi buu u baahan yahay. Markaanu u baahanno uun baanu qabsanaynaa,” ayuu yidhi Xoghayaha UDUB. Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB oo la weydiiyey in iminka baahida Shirweynahoodu taagan tahay, maadaama doorashooyinkii soo dhow yihiin, waxa uu ku dhalliilay suxufiyiinta in aanay akhriyin xeerarka Xisbiyada, waxana uu u tilmaamay inay soo bartaan xeerarka xisbiyada. Shirweynaha iyo Xeerka Xisbiga: Hase yeeshee, xeerka xisbiga UDUB ayaa si degdeg ah u beeninaya doodda Xoghayaha Guud ee xisbigaas, taas oo marka horeba maangad ku ah caqliga caadiga iyo aqoonta dadka nidaamka ay u dhisan yihiin axsaabtu yaqaanna. Xisbiga talada haya ee UDUB oo shirweynihiisii koowaad qabsaday dabayaaqadii June 2001, waxa xeerkiisu dhigayaa in muddada Shirweynuhu ay tahay 5 sannadood. Waxaana caddaan ah in muddadii 5ta sannadood ahayd ee Shirweynuhu ay dhammaatay June 2006. Sida ay u dhisan yihiin Xisbiyada iyo ururraduba, Shirweynaha ayaa ah hay’adda ama awoodda ugu sarraysa qaab-dhismeedka. Waaka doorta Hoggaanka xisbiga iyo Golaha Dhexe, xilkana u igmada muddo cayiman oo ah muddada u dhexaysa labada Shirweyne. Isla markaana sida uu dhigayo xeerka Xisbiga UDUB, qodobka 9aad, farqaddiisa 2aad, muddada Shirweynaha Xisbigu waa 5 sannadood, iyada oo qodobka 10aad-na uu tilmaamayo hawsha iyo waajibaadka Shirweynaha oo ay ka mid tahay doorashada Hoggaanka iyo Golaha Dhexe ee Xisbiga, kuwaas oo wadaya hawsha xisbiga ilaa Shirweynaha kale. Xeerka Xisbiga UDUB ma jiro qodob keliya oo sheegaya in shirweynaha Xisbiga laga maarmi karo iyo in qabashada Shirweynaha xisbigu ku xidhan tahay baahi, sida uu ku doodayo Xoghayaha Guud ee Xisbigaasi. Sidoo kale ma jiro qodob xeerkaas ah oo Shirweynaha xisbigu awooddiisa ugu wakiillanayo Golaha Dhexe, marka la gaadho muddada Shirweynaha kale oo ay khasab tahay in la qabto Shirweyne kale oo soo saara hoggaanka xisbiga ee ilaa Shirweynaha kale. Qodobka 12aad, farqadda 1aad ee xeerka Xisbiga ayaa u qoran sidan: “Golaha Dhexe, waa hay’adda ugu sarraysa Xisbiga UDUB muddada labada Shirweyne dhexdooda, waxaanay leedahay awoodda hoggaaminta Xisbiga, iyagoo adeegsanaya Xeerka Xisbiga….” June 2006 oo ahayd wakhtigii uu qabsoomi lahaa Shirweynaha 2aad ee xisbiga UDUB ayaa la sheegay in Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB oo xeerka xisbigaasi ku waajibinayo inuu isugu yeedho Shirweynaha uu soo saaray qoraal rasmi ah oo uu ku wargelinayo in dib loo dhigay Shirweynihii xisbiga muddo sannad ah oo ku ekayd June 2007. Intii ka dambeyseyna marar badan oo la weydiiyey Xoghayaha Guud wakhtiga ay Shirweynahooda qabanayaan, waxa uu ku jawaabayey in sida ugu dhakhsaha badan ay u qaban doonaan Shirweynaha. Hase yeeshee, dooddan cusub ee Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB ku deedafeynayo waajibnimada Shirweynaha 2aad ee xisbiga UDUB ayaa macnaheedu yahay in Madaxweyne Riyaale iyo hawlwadeennadiisa xisbiga UDUB aanay diyaar u ahayn inay qabtaan Shirweynaha 2aad ee Xisbiga, iyada oo xisbiga UDUB uu yahay xisbiga keliya ee ilaa iyo hadda aan qabsan Shirweynihiisa 2aad. Waxayna warar xog ogaal ahi sheegayaan in Madaxweyne Riyaale ka walaacay Shirweynaha 2aad ee Xisbigiisa, kadib markii Shirweynihii 2aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE oo qabanqaabadiisu muddo dheer socotey, isla markaana hirdan iyo loollan awoodeed oo xisbigaa guddihiisa ka socdey ay ahayd sheeko xiiso leh oo lagu kala macaasho, uu ku dhammaaday si ka duwan sidii uu filayey Madaxweyne Riyaale . Warar kalena waxay sheegayaan in Madaxweyne Riyaale uga warwareegayo Shirweynaha, isaga oo ka baqaya xubno damac leh oo golihiisa Wasiirrada ku jira iyo xubno miisaan leh oo dibadda ka jooga xukuumadda, balse, hunguri ka hayo inay Madaxweyne Riyaale kula loollamaan Madaxweyne Riyaale hoggaanka xisbiga. Iyo ta ugu macquulsan oo ah isaga oo u arka in aanu xamili karin hirdan iyo loollan awooddeed oo xisbigiisa gudihiisa ka bilaabma wakhtigan oo uu lumiyey inta badan taageeradii dadka. Source- Ogaal news paper, Somaliland
|
|
||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||
Military of SomalilandFrom Wikipedia, the free encyclopediaJump to: navigation , search
The Somaliland Armed Forces ( Somali : Ciidanka Qaranka ) are the main military system in the unrecognised Republic of Somaliland . They compose of three main military services: the Army , the Navy and Air Defence Forces . Also, the Somaliland Police Force are part of the internal security forces and are subordinate to the military. The Somaliland Armed Forces takes the biggest share of the government's budget with the police and security forces. [1] The current person in charge of Somaliland 's Armed Forces is the Minister of Defence Mudane Adan Mire Mohammed MP. Operational BM-21 used by the Somaliland armed forces Currently, the military of Somaliland recives the biggest share of the country's budget. A editorial on a preliminary 2004 budget cited a figure of approximately $6.8 million. [2] Due to Somaliland 's lack of international unrecognition, the country receives no foreign assistance to maintain its military . The army was organised into 12 divisions which comprise of 4 tank brigades, 45 mechanized and infantry brigades, 4 commando brigades, surface-to-air missile brigade, 3 artillery brigades, 30 field battalions, and an air defense battalion. The serviceability of the equipment is poor and status is unknown. Centurion main battle tanks M47 Patton main battle tanks T-54/T-55 main battle
|
|||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||
|
|||||||||||||||||||||||||||||
| ©2001 Lorem Ipsum Dolor Sic Amet Consectetur | Lorum Ipsum Dolor Sic Amet Consectetur |