![]() ![]() ![]() ![]() |
||||||||||||||||||||||||||||||
| ...< Radio Somaliland Online ( RSO ) kala soco wararkii ugu dambeeyay ee dalka iyo dibada >.. | ||||||||||||||||||||||||||||||
Khilaaf xoog leh oo markale ka dhex aloosmay Madaxwaynaha iyo komishanka doorashooyinka qaranka Hargeisa-Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo Madaxwaynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin ayuu khilaaf dhinaca xeerka diiwaan galinta ahi mar kale ka dhex oogmay waxaanay labada dhinacba is waydaarsadeen qoraalo ay arintan kaga hadlayaan. Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa warqad nuxurkeedu ahaa sidii wax looga bedeli lahaa qodob ka mid ah xeerka diiwaan gelinta codbixiyayaasha xeer NO 037/2007 u diray Madaxwaynaha iyagoo ogaysiisna siiyay golaha Baarlamaanka Somaliland, qodobadaas ay Komishanku doonayeen ee ay u arkeen in wax laga bedelo oo ku xusan qoraalka uu Madaxweynuhu ugu jawaabay Komishanka. Kadib Qoraalkaasi ay Komishanku u qoreen Madaxwaynaha ayuu ugu soo jawaabay qoraal kale oo uu ku daadifaynayo codsiga gudiga doorashooyinka isagoo si adag uga jawaabay arintaas ayuu qoraalkan ugu jawaabay: “Mudanayaal, waxaad ii soo gudbiseen Dood aad ka qabateen Xeerkii Diwaan-gelinta Codbixiyayaasha, idinka oo soo gudbiyay ujeedo aan fahamkeedu cadayn oo aad ku magacawdeen soo jeedin kaabid, isla markaana aan tilmaamin wax ka-bedelka aad rabtaan qodobadiisa iyo waxa lagu bedelayo balse nuxurka soo jeedintiinu ay tahay in qodobada ay kamid yihiin 7aad (j) kana hadlaya marka ay sugnaato MUWAADINIMADA QOFKA IS DIIWAAN GALINAYA laguna dhaarto sida foomka loo galinayo loona sugay. sidoo kale qodobada 8aad xarfihiisa 1aad,7 aad, iyo 8 aad oo kale oo sheegaya magaca codbixiyaha oo Afarran lambarka gaarka ah ee lagu diiwaan galiyay cod bixiyayaasha lambarka tix raaca diiwaan gelinta codbixiyayaasha ,qodobka 12aad xarafkiisa koowaad, qodobka 13aad dhamaantiiba kana hadlaya ansixinta diiwan -gelinta codbixyaya yaasha ,qodobka 14aad oo ka hadlaya goobta diiwaan gelinta ,(t) & (J) oo ka kala hadlaya : ( t) Cod bixiyayaasha goob doorasho cayiman ah (j) cod- bixiye kasta waxa uu codkiisa ka dhiibanayaa maalinta cod-bixinta doorashooyinka goobta hore loogu diiwaan -geliyay oo kaliya iyo qodobada 18aad,19aad,22aad,23aad,27aad,& 28 aad oo kala sheegaya hawsha masuulka Komishanka Doorashooyinka Qaranka, cabbashada cod-bixiyaha ee xogta foomka la geliyay, habka xafidaada qalabka diiwaangelinta, daabacaada iyo soo ban-dhigida liisaska iyo sixitaanka xogaha khaldama iwm sida ay u kala horeeyaan. hadaba sida aynu la wada socono marka shuruucda xeerka loo samaynayo ummad leh dal waxa looga dan leeyahay inuu daboolo amaba awdo baahi taagan oo jirta iyo dhibaato u baahan in xal loo helo . Xeerkan Diiwaangalinta cod bixiyayaasha waxa curintiisa hore lahaa khubaro iyo Komishankii idinka horeeyay. waxaanu soo maray Golaha Xukuumada oo u gudbiyay Golaha Baarlamaanka ( Wakiilada iyo Guurtida ) kuwaasi oo ah Sharci-dajinta Wadanka. Sixitaan iyo wax-ka bedel jaranjaro kala duwan lahaa ka dib waxa la idin soo gudbiyay Xeerkan si aad ugu shaqo gashaan. 08/07/07 waxa nasiib daro ah in maanta oo lagu gudo jiro hawlihii tabaabulshaha Diiwaan-gelinta aad soo jeedisaan in Xeerkan iyo nuxurkii laga lahaa meesha laga saaro. Xeerkani cid gaar ah looma samayn oo aan ahayn Maslaxada iyo danta guud ee Dalka.balse, haatan waxa idinka muuqda inaad dano ka baxsan danta guud ee qaranku idiin igmaday aad ka leedihiin. Sidaasi darteed, waxaan idinkula talinayaa in aad raacdaan ku shaqaynta shuruucda ay ka mid yihiin: Xeerka Doorashada Dawladaha hoose iyo Madaxtooyada, Xeer no.20/2001 iyo Xeerka Diiwaan-gelinta Codbixiyayaasha ee Xeer no. 037/2007, kaas oo ah saldhiga Diiwaan-gelinta codbixiyayaasha oo horseedaya in ay u qabsoomaan Doorashooyin xaq iyo xalaal ah. ugu danbayn waxaan idin la socodsiinayaa in heshiis laga galo wax iman kara oo aan xeer ku qornayn kuna cadayn. balse, heshiis laguma gali karo arimo ku cad Dastuurka iyo shuruucda Dalka Jamhuuriyada Somaliland .” Muranka cusub ee dhinaca xeerka diiwaan-galinta oo sharciyan sida xeerku dhigayo ay ahayd lix bilood ka hor wakhtiga doorashada la cayimo in lagu shaqeeyo oo dadka la diiwaangaliyo ayaa u muuqda mid dabka ku sii shidaya murankii hore ee u dhaxeeyay asxaabta siyaasada qaarkood iyo komishanka iyo Golaha Guurtida iyo Xukuumada oo iyana dhinac ah kuwaas oo ay qolaba dhinac u fool eryayso in go’aankoodu noqdo ka biyo-kama dhibcaanka ah ee lagu dhaqmi doono.
Source, waheen News agency Hargeisa |
|
|||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||
Military of SomalilandFrom Wikipedia, the free encyclopediaJump to: navigation , search
The Somaliland Armed Forces ( Somali : Ciidanka Qaranka ) are the main military system in the unrecognised Republic of Somaliland . They compose of three main military services: the Army , the Navy and Air Defence Forces . Also, the Somaliland Police Force are part of the internal security forces and are subordinate to the military. The Somaliland Armed Forces takes the biggest share of the government's budget with the police and security forces. [1] The current person in charge of Somaliland 's Armed Forces is the Minister of Defence Mudane Adan Mire Mohammed MP. Operational BM-21 used by the Somaliland armed forces Currently, the military of Somaliland recives the biggest share of the country's budget. A editorial on a preliminary 2004 budget cited a figure of approximately $6.8 million. [2] Due to Somaliland 's lack of international unrecognition, the country receives no foreign assistance to maintain its military . The army was organised into 12 divisions which comprise of 4 tank brigades, 45 mechanized and infantry brigades, 4 commando brigades, surface-to-air missile brigade, 3 artillery brigades, 30 field battalions, and an air defense battalion. The serviceability of the equipment is poor and status is unknown. Centurion main battle tanks M47 Patton main battle tanks T-54/T-55 main battle
|
||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||
|
||||||||||||||||||||||||||||||
| ©2001 Lorem Ipsum Dolor Sic Amet Consectetur | Lorum Ipsum Dolor Sic Amet Consectetur |