Halkan waxa ka soo bixi doona wargeys cusub oo la magac baxay"Macaash" kaas oo sida magaciisa ka muuqata si gaar ah wax uga qori doona arimaha dhaqaalaha iyo ganacsig

Qurba jooga Africa waxay direen 40 Billion dollar sanadkii hore

sida ay sheegtay hay' ada IFAD oo qaramada midaabay u qaalibsan arimaha maalgelinta iyo hore u marinta beeraha, dadka reer Afrika ee ka shaqaysta wadamada warshadaha leh waxay sanadwalba u diraan dalalkooda lagac kaalmo ah oo ay inta badan eheladooda u diraan taas oo ah mid ay si aad ugu tiirsan yihiin, sanadkii la soo dhaafay waxay direen ku dhawaad 40 billion oo dollarka maraykanka ah, hadii wadan wadan loo kala qaadana dalka Maroco dadkaka yimid ayaa diray lacagtii ugu badnayd oo gaadhay 6,4 billion, algeria oo ku xigtayan waxay direen 5,399 billion, waxa ku sii xigay wadamada Nigeria, Masar, Tunisia, K.afrika, Angoola Gana, kenya Somalia, Sudan, Mali ,Senegal, Uganda, Congo, Ethiopia, Moazambic, Burkina faso, iyo Eriterea, kuwaas oo sida ay u kal heraayaan u kala badsaday.

sida muuqata dadka Somalida ah oo galay kaalinta 11 waxa lagu qiyaasay inay sanadkaa direen ilaa 790 million, inakasta oo marka si dhab ah loogu kuur galo ay somalidu diraan lacagaha ugu badan balse ay ku diraan siyaabo aan waafaqsanayn nidaamyada caalamiga oo markaa aan la xisaabin karo, waxana la odhan karaa sedex laab ka badan ayay diraan inta warbixintan lagu sheegay,

waxana warbixinta lagu xusay lacagta ay dadka somalida ah ay diraan tahay tan ugu ahmiyada badan sababta oo ah waxay haysaa dhaqaalaha dal dhan oo aan lahayn nidaam dhaqaale, mudo 15 sano ka badan,iyada ay ku tiirsan yihiin malaayiin somali ah oo aan haysan meelo kale oo ay wax ka so galaan sidaana waxa yidhi gudoomiyaha hay'adaa IFAD Mr, Lennart Bage waxana intaa lagu daray in guud ahaan lacagaha afrika loo diraa ay ku socoto dadka saboolka ah ee meelaha tuuloyink ah ku dhaqan, iyada sida badhitaano lagu ogaaday ay jiraan dhibaatooyin haystaa dadka waxa dira iyo kuwa loo diraba isla markaana laga qaado qidmado badan oo gadha ilaa boqolkiiba 10 lacagta la diraayo , iyo waliba dawaladaha calamka oo aqoonsanayn muhiimada ay leedahay lacagaha la dirayaa, kuwaas xataa lagu sheegi karo inay ka wax tar badan yihiin lacagaha faraha badan ee ay deeqbixiyaashu siiyaan dalalka soo koraya, sidaa daradeed waxay IFAD ku talisay in loo sahlo dadka wax diraya, dawaladuna ay ka yareeyaan sharciyada adag,

dhinaca kalena mar ay warxintu jaleecday qaarada Asia, waxa dadkeedu diree sanadka la soo dhaafay ku dhawaad, 114 billion oo dolar, dadka shiinaha ah oo lacagaha u badan diraana waxay gaadhsiiyeen kaligood ilaa 24 billion.

 
 
   
     

 

 

Ethiopian-ka oo laga yaabo inay si deg deg ah

        uga baxaan   Ciidamada Muqdisho

 

Sida ya sheegeen   warar si qarsoodi ah ku soo baxay , intii uu taagnaa khilaafkii cali geedi iyo cabdilaahi yusuf, dawlda ethiopia waxa ay heegan galisay ciidamadeeda ku sugan qaybaha bari ee dalkeeda, arintaa sida la sheegay isuku diyaarisay sidii taakulayn deg deg logu fidin ciidamadeeda Muqdisho ku sugan oo xaalad adagi so waajahen ka dib marki kacdoon iyo dagaalo xoogan lagala hor yimid.

Ra’iisalwasaraha Ethiopia waxa u muuqda   hadii ay burburto dawalada c/ Yusuf   ay qasab ku tahay in uu ciidamdiisa kala soo   baxo somaliya,   hawshaas oo u baahan diyaar garaw, si looga hor tago in weeraro lagu qaado marka ciidamadu soo baxayaan, sida daretees waxa uu ciidamo dheeraad ah u diray dhanka Muqdisho kuwaas oo hub culus ku qalabaysan, ciidamada cusub oo markii Muqdisho gaadheen qabsaday jidad waywayn ee magalada ka baxa taasi oo ay ugu talgaleen inay ciidamadu maraan hadii qasab ku noqoto inay ka baxaan magaalada.

Sida muuqata inkasta oo la soo af-jaray khilaafki ka dhextaagna madaxda dawalad C/yusuf, ka markii uu shaqadii iska casilay Mr Geedi, hada waxa la filyaa inuu sii xoogaysto weerarada iyo kacdoonka lagu diidan yahay ciidamada axmaarada iyo kuwa c/yusuf arinta o laga yaabo inay soo dedejiso in ciidamada Ethiopian ku ka baxaan Muqdisho,

 

Fatwada sideedaba Maxay Tahay ?

Sida la wada og   yahay   ku dhaqanka diinta islaamkju waxay asaas u tahay nolosha dadka muslimiinta dhinackasta oo laga egaba.Waxakasta oo la soo gudbonada noloshada dadka musliminta ahi waxa ugu noqdaan diintooda iyo waxa ay ka qabto,

Hadaba isku xidhnantaa nolol-maalmeedka ruuxa muslima, iyo shuruucda diinta hirgalintooda ayaa la odhan karaa waa fatwa, marka amirta si guud loo eego, hase ahaatee sida ay culimo   badani aaminsan yihiin fatwadu, waa go’aanqaadasho la xidhidha amuur cusub oo la soo gudboonaatay nolosha dadka muslimiinta, waxan arintaa go’aankeeda ugu dambeeya iska leeyihiin dadk culimada ah ee cilmiyada diinta looga dambeeyo.

Arintu si kasta ha aheetee, waxa aan shaki ku jirin in habdhaqan hoosedka dadka muslimiinta ah ee caalamk kula nool, ay siyaabo kala gadisan u adeegsadaan fatwada oo sida ay soo sheegtay ah go’ aan ay culimadu gaadhaan, tulaase ahaa dalka masaar fatwadu waxay ku so aruuntay sida dadka logu xaqsoori laha marba waxa ay isku qabtaan, waxan jira xarumo caan noqday oo fatwa lo doonto

Oo ay ugu horeyso xarunta Al-Azhar, halkaa oo culimada jogta waxa laga waydiiyo marba wixi la isku qabto, tusaale maalin maalamaha ka mid ah waxa xaruntaa timid haweenay muslimada ah oo ad u asturan, markii goobta timid ee ay la kulantay culimadii halkaa ku sugnayd waxay u sheegatay arinta ay u socoto oo ay doonayso in looga fatwoodo si shurucda waafaqsan,

Waxay tidhi nin baanu is qabna oo aanu caruur isku leenahay, sida aad ii aragto waxan ahay ruux xijaban , hase ahaa tee dhibaato kale oo xjiaabka la xidhidha aya aniga in ninkayga na dhex taala taasi , oo sababtay inuu mar hore hal dalqad igu furo hadana wali taagan, waxaanay , waxa uu ninkaygu inugu qasbayaa inaan qaato xjiaabka nooca niqabka loo yaqano ee waljiga lagu qariyo, aniguna ma trabo, markaa maxay diintu arinta ka qabtaa labadeena keeba sax ?