Ethiopian-ka oo laga yaabo inay si deg deg ah uga baxaan Ciidamada Muqdisho Sida ya sheegeen warar si qarsoodi ah ku soo baxay , intii uu taagnaa khilaafkii cali geedi iyo cabdilaahi yusuf, dawlda ethiopia waxa ay heegan galisay ciidamadeeda ku sugan qaybaha bari ee dalkeeda, arintaa sida la sheegay isuku diyaarisay sidii taakulayn deg deg logu fidin ciidamadeeda Muqdisho ku sugan oo xaalad adagi so waajahen ka dib marki kacdoon iyo dagaalo xoogan lagala hor yimid. Ra’iisalwasaraha Ethiopia waxa u muuqda hadii ay burburto dawalada c/ Yusuf ay qasab ku tahay in uu ciidamdiisa kala soo baxo somaliya, hawshaas oo u baahan diyaar garaw, si looga hor tago in weeraro lagu qaado marka ciidamadu soo baxayaan, sida daretees waxa uu ciidamo dheeraad ah u diray dhanka Muqdisho kuwaas oo hub culus ku qalabaysan, ciidamada cusub oo markii Muqdisho gaadheen qabsaday jidad waywayn ee magalada ka baxa taasi oo ay ugu talgaleen inay ciidamadu maraan hadii qasab ku noqoto inay ka baxaan magaalada. Sida muuqata inkasta oo la soo af-jaray khilaafki ka dhextaagna madaxda dawalad C/yusuf, ka markii uu shaqadii iska casilay Mr Geedi, hada waxa la filyaa inuu sii xoogaysto weerarada iyo kacdoonka lagu diidan yahay ciidamada axmaarada iyo kuwa c/yusuf arinta o laga yaabo inay soo dedejiso in ciidamada Ethiopian ku ka baxaan Muqdisho, Fatwada sideedaba Maxay Tahay ? Sida la wada og yahay ku dhaqanka diinta islaamkju waxay asaas u tahay nolosha dadka muslimiinta dhinackasta oo laga egaba.Waxakasta oo la soo gudbonada noloshada dadka musliminta ahi waxa ugu noqdaan diintooda iyo waxa ay ka qabto, Hadaba isku xidhnantaa nolol-maalmeedka ruuxa muslima, iyo shuruucda diinta hirgalintooda ayaa la odhan karaa waa fatwa, marka amirta si guud loo eego, hase ahaatee sida ay culimo badani aaminsan yihiin fatwadu, waa go’aanqaadasho la xidhidha amuur cusub oo la soo gudboonaatay nolosha dadka muslimiinta, waxan arintaa go’aankeeda ugu dambeeya iska leeyihiin dadk culimada ah ee cilmiyada diinta looga dambeeyo. Arintu si kasta ha aheetee, waxa aan shaki ku jirin in habdhaqan hoosedka dadka muslimiinta ah ee caalamk kula nool, ay siyaabo kala gadisan u adeegsadaan fatwada oo sida ay soo sheegtay ah go’ aan ay culimadu gaadhaan, tulaase ahaa dalka masaar fatwadu waxay ku so aruuntay sida dadka logu xaqsoori laha marba waxa ay isku qabtaan, waxan jira xarumo caan noqday oo fatwa lo doonto Oo ay ugu horeyso xarunta Al-Azhar, halkaa oo culimada jogta waxa laga waydiiyo marba wixi la isku qabto, tusaale maalin maalamaha ka mid ah waxa xaruntaa timid haweenay muslimada ah oo ad u asturan, markii goobta timid ee ay la kulantay culimadii halkaa ku sugnayd waxay u sheegatay arinta ay u socoto oo ay doonayso in looga fatwoodo si shurucda waafaqsan, Waxay tidhi nin baanu is qabna oo aanu caruur isku leenahay, sida aad ii aragto waxan ahay ruux xijaban , hase ahaa tee dhibaato kale oo xjiaabka la xidhidha aya aniga in ninkayga na dhex taala taasi , oo sababtay inuu mar hore hal dalqad igu furo hadana wali taagan, waxaanay , waxa uu ninkaygu inugu qasbayaa inaan qaato xjiaabka nooca niqabka loo yaqano ee waljiga lagu qariyo, aniguna ma trabo, markaa maxay diintu arinta ka qabtaa labadeena keeba sax ? |